|
Puntlad,(insidesomalia.org)- oo soo xiganaysa wareysi ay la yeelatay qaar ka mid ah burcad badeedda ka qaraabta xeebaha maamul goboleedka Puntland ee maraakiibta lagu afduubto ayaa sheegay in ay hada awood u leeyihiin in ay si fudud u soo gataan waxkasta oo ay u baahan yihiin maadaama ay heleen lacago lagu qiyaasay malaayiin Dollar.
Nin burcad badeeda ka tirsan magaciisana lagu sheegay Siyaad Maxamed ayaa ku faanay in ay hada diyaar u yihiin in ay lacagta ay ka heleen afduubka u isticmaalaan in ay ku galaan ka ganacsiga qaadka iyo maandooriyaha.
"Waxaanu nahay sadex kooxood oo iskushaqo ah, koox waxay qaabilsantahay in ay badda gasho, laba koox oo kale oo aan aniga ka mid ahayna waxaan qaabilsanahay gudaha, wixii ay u baahdaan oo sahay ah ayaanu u geeynaa qolooyinka ku sugan maraakiibta dusheeda", ayuu yiri ninkan 30-jirka ah oo markiisi hore ahaa maskiin malaayga dabta.
Jaamac Shiino oo ka mid ah sidoo kale burcad badeeda ayaa isna ku faanay in uu dhigtay mid ka mid ah aroosyada oogu waaweyn ee soo mara Magaalada Garoowe ee caasimadda maamul goboleedka Puntland, kaasoo ay ka soo qaybgaleen dadweyne aad u farabadan.
Burcad badeed Jaamac Shiino oo si kalsooni leh u hadlayay ayaa wariyaha ku yiri "Kama baqayno dawladda, gabdhaha halkaan ku noolna waa ay na jecel-yihiin waayo waxaan heysanaa lacago aad u farobadan, waxayna gabarwalba jeclaanlaheyd in ay guursato midkeen".
Rowdo Cabdulaahi oo 19-jir ah, kana mid-ahayd martidii ka soo qaybgashay arooska Jaamac Shiino (Burcad-Badeed), ayaa sheegtay inay gabdhuhu jecelyihiin arooskan oo kale in loo dhigo, waxaana qarashkan ka bixikara oo keliya ayey tiri Burcad badeeda oo heysto lacago fara badan oo ay ka heleen maraakiibta lagu afduubanayo xeebaha Puntland ee Soomaaliya.
"Hadii aan guursado nin aan heysan lacag aan ku filnayn, dabcan arooskan oo kale ma helayo" ayey tiri
Burcad badeeda Soomaaliya ayaa sanadihii lasoo dhaafay uu ku yimid is badal weyn oo xaga dhaqaalaha ah, waxaana ay awood u leeyihiin iminka in ay si fudud u iibsadaan wax kasta oo ay u baahan yihiin, maadaama ay heystaan kharash farabadan oo kasoo gala afduubyada ay sameeyaan.
Saraakiisha xaga badaha qaabilsan ee caalamku waxaa ay sheegeen in sanadkan oo keliya ay xeebaha Soomaaliya ka dheceen 26 afduub oo lagula kacay doonyo iyo maraakiib marayay xeebaha Soomaaliya iyo waliba xeebaha dariska la ah sida gacanka cadan oo kale.
|